Home » Korjoogtaynta Haa’yadaha Maaliyadeed » Bangiyo islami ah oo ruqsadaysan
Marka la eego 31-kii December, wadarta guud ee hantida saafiga ah ee qaybta bangiyada waxay maraysay USD 171 milyan, bangiga ugu wayn marka loo eego hantida saafiga ah waa Dahabshiil Bank International (DBI), DBI waa bangi waafaqsan shareecada islaamka oo ruqsad ka haysta Baanka Somaliland. Bangiga Dara-Salaam (DSB) sidoo kale waa machad si buuxda ugu hoggaansamaya shareecada Islaamka iyo bangiga labaad ee ugu weyn Somaliland. Premier Bank Ltd, oo ah bangi Islaami ah oo caalami ah oo cusub oo ganacsi ka fura dalka. Waa Bangi Islaami ah oo dhamaystiran oo Ruqsad ka haysta Baanka Somaliland.
Xeerka Baananka Dhexe ee No: 54/2012 waxa uu Baanka Somaliland awood u siinayaa in uu ku maamulo Baananka Islaamiga ah isagoo bixinaya ruqsado, diwaangelin iyo la socodka iyo hagida hawlaha Baananka Islaamiga ah.
Xeerka Baananka Islaamiga ah ee No: 55/2012 ayaa dhigaya shuruudaha looga baahan yahay baananku inay buuxiyaan si ay uga hawlgalaan Somaliland.




© Bank of Somaliland | Xuquuqda daabacaadu way xafidsantahay