Home » Siyaasadda Lacagta
Ujeedada koowaad ee waaxda siyaasadda lacagta ee BOS waxay noqon doontaa in la gaadho xasilloonida qiimaha gudaha iyo in la ilaaliyo xasilloonida sarifka lacagta qaranka ee ka dhanka ah lacagaha qalaad iyadoo la dejinayo lana hirgelinayo siyaasad lacageed iyo sarifka lacagaha qalaad.
Gaadhitaanka ujeeddada noocaas ah suurtagal ma noqonayso haddii aysan jirin lacag qaran oo xasilloon. Sidaa darteed, CBSL waxay si adag ula socon doontaa hab-dhaqanka sarifka lacagaha, waxayna faragelin doontaa suuqa iyadoo la raacayo nidaamka sarifka ee la maareeyay si loo yareeyo saameynta isbedbedelka sarifka ba’an ee heerka qiimaha badeecadaha iyo sidoo kale tilmaamayaasha kale ee dhaqaale.
Dejinta Siyaasadda Lacagta:
Sida ku cad qodobka 4-aad ee xeerka baanka dhexe ee no.54/2012, ujeedada koowaad ee bangiga dhexe waa in la gaadho oo la ilaaliyo xasiloonida qiimaha dalka gudihiisa ah. Gaadhitaanka ujeeddada noocan oo kale ma aha suurtagal haddii ay maqan tahay xasiloonida qiimaha lacagta qaranka.
Mar haddii Somaliland tahay waddan dhaqaale furan oo xaddidan lehna hoos u dhac ganacsi oo ku meel gaadh ah, isbeddelka sarifku wuxuu saameeyaa xasilloonida qiimaha gudaha. Sidaa darteed, BOS waxay la socon doontaa hab-dhaqanka sarifka lacagaha waxayna ilaalinaysaa nidaamka sarifka ee sabbaynaya ee la maareeyay si loo waafajiyo siyaasadaha sarifka lacagaha.
Qalabka Siyaasadda Lacagta:
Baanka dhexe ee Somaliland waxa uu wakhtigan isticmaala xaraashka sarifka lacagaha qalaad oo ah agabka kaliya ee siyaasada lacagta waxana uu qorshaynayaa in uu ku daro shuruudaha kaydka ah mudada dhexe.
Xaraashka Sarrifka Qalaad: Xaraashka sarifka lacagaha qalaad waxaa si joogta ah loo qabtaa si waafaqsan sharciga. Iibinta sarifka lacagaha qalaad waxa loo maraa hannaan xaraash furan oo hufan oo sariflayaasha ruqsada haysta ay ka qayb qaataan.
Shuruudaha Kaydka: Dhanka kale, Baanka Somaliland waxa uu qorsheynayaa in uu hirgeliyo adeegsiga aaladaha kale ee siyaasadda lacagta sida shuruudaha kaydka, ma aha oo kaliya ujeedada taxaddarka iyo kormeerka, laakiin sidoo kale waxa uu uga faa’iidaysan karaa hirgelinta siyaasadda lacagta.
© Bank of Somaliland | Xuquuqda daabacaadu way xafidsantahay